Ma runtii baynu qarxinaa
ma beentaynu isku qooshnaa
Ma qoorkaynu ka idlaynaa
ma qolof baynu sii saarnaa

Riyahaa qaawan baa
idahaa ku qoslee
Ma waxbaynu qalanaa
mindiyahaa qarsanaa
Ma qaran baynu ahaanaa
oo qabiilaynu huwanaa

Ma qayrkeen baynu hiigsanaa
oo talaabaynu dib u qaadnaa
Waa xabaalaha ma qodnaa
qudhunkii ma faqnaa

Ma runtii baynu qarxinaa
ma beentaynu isku qooshnaa
Ma qoorkaynu ka idlaynaa
ma qolof baynu sii saarnaa

Riyahaa qaawan baa
idahaa ku qoslee
Ma waxbaynu qalanaa
mindiyahaa qarsanaa
Ma qudhii baynu jarnaa
oo magtii baynu qaybsanaa
Ma xeerkii baynu qubnaa
oo qarankaynu bixinaa
Waa xabaalaha ma qodnaa
oo qudhunkii ma faqnaa

Exit mobile version