hani hibitiqii kalgacalkaa
hubaal waan ku hanwaynee
hani habeen hurdo ma seexdoo
aduunbay i hor joogee
haraad baan kuu qabaa anigu
hamuun kuu hayaa adiga
hawaystay hareerahaagoo
ku hungoobi maayee
ha hantaaqmin abidkaa
hana iiilan waligaa
wadnaha dhiiga haba iyo
halbawlaha waraabiyaba
adigaa haleeyoo
halis baad i galisee
hadmaan ku helayaa

hani hogol curtay baa too
nasiib igu hagaajee
hani halkaad igaga taalbaa
had iyo goor i hafeefanayse
hormood baan kuu ahay adiga
horyaal baan kuu ahay adiga
hawaystay hareerahaagoo
ku hungoobi maayee
ha hantaaqmin abidkaa
hana iilan waligaa
wadnaha dhiiga haba iyo
halbawlaha waraabiyaba
adigaa haleeyoo
halis baad i galisee
hadmaan ku helayaa

Exit mobile version