axdigaynu galnee
arinkeenu ahaa
maad ilaawi karoo
waan ilaalinayaa
sida ayrada geel
ilma laga dilaan
kuu irdhoobayoo
kuu ololayaa
indhahaa ku arkaayo
waan aroosnay wanaag
afka kuu muhanayaa
uurku wuu ku tabaa
waan ku aaminayaa
aayahaygiyeey
waan ku aaminaya

jacaylkaa i bartee
igu beertay ayaa
nafta oon ku shidoo
u adkaysanayaa
sida ayrada geel
afar qaaday cagaha
adaa ii farxadoo
ku ildoogsanayaa
eraygadaa i tidhaahdo
waan adeecsanayee
danta waan ogolaadee
adna taa ii ogoow
waan ku aaminayaa
aayahaygiiyeey
waan ku aaminayaa

Exit mobile version