Caashaqan huqdiisiyo
hamigiisu ima dhibo
Wadnahaygu hibashadii
hiirtaanyo kama baxo

bushimuhu hal hayntiyo
hadaaqiisa ma dhaafaan
Dadku hadal idhibaiyo
heblaayada ma daayaan heblaayada

Naf hawaawi daashaday
kolay halis ma waydee
Anuun baa halkaa cudur lahaa
la afeefanaayee
Malaha taan uhilib go,ay
hadayduba wax lama aha

Caashaqan hankiisiyo
ciirsigiisu ila durug
hiya kacya lahashada
Halbaw luhu ma joojiyo ,

indhuhu sii hilaansiga
kama hawl yaraystaan
Hal abuurku hal abuurku
erayada hal eray kama tago

Naf hawaawi sahashaday
kolay halis ma waydee
Anuun baa halkaa cudur lahaa
la afeefanaayee
Malaha taan uhilib go,ay
hadayduba wax lama aha

Exit mobile version