Caashaqan huqdiisiyo
hamigiisu ima dhibo
wadnaheygu hibashadi
hiirtaanyo kama baxo
bishimuhu halheynta iyo
hadaaqiisa ma dhaafaan
dadku hadal i dhiba iyo
heblaayada ma dayaan heblaayada
naf hawaawi sahashaday
koley halis ma weydee
anuunbaa halgaad cudur
la hafeefanaayee
malaha taan u hilib goay
hedeyyduba wax lama aha

caashaqan hankiisa iyo
hiigsigiisu ila gudub
hiyikiciyo lahashada
halbowluhu ma joojiyo
indhuhu sii hilaabsiga
kama howl yareestaan
halabuurku ereyada
hiintaale kama tago
naf hilow ku daaimay
koley hadimo wa u sade
anuunba halgaad cudur
la hafeefanaayee
malaha taan u hilib goay
hadeyduba wax lama aha

Exit mobile version