ma ogtahay waxad tahay miduu mowle ii qorayee
marlay kalana laabta uma furo adiga mooyaan

intuu dhiigu maaxdiyo ogow meerisyada beerka hadii aanad ku ool murtiba kuuma mariyeen

miyir li'i inaan ku jeclahay muranla weeyaan adumbaa wadnaha mudan maalin iyo laylee yaa maryamaay

sida beer moxog ahoo mayiraale kutaaloo mirta dhexe habeenkii inta uu gud gude miray mid walbaba geedihii muruqdiisa maaloo muud sanayso biyihii

oo subaxdii maryanay samaydooda muuqa leh
intay qabatay milicdii maariin wir wira iyo asal midabkii yeeshay

macaanaa muunadaadiyo milicsiga ilqabadka leh amaana waa aad mudatee markii aan ku dheehdaba naftu muxubo ooydaa

sida geed murcud ahoo intuu mowle uumay lagu muday calyaaliyo balcad meel dhexdoodoo lagu manaystay bilicdii sheedana il milicsiga ka dhex muuqda geedaha

oo madaxa guudka ubax ugu magooloo iyo dhiin casaanoo dhalaal iyo macaan lahoo naftu muhatay yeeshay

macaanaa muunadaadiyo milicsiga ilqabadka leh amaana waa aad mudatee markii aan ku dheehdaba naftu muxubo ooydaa

Exit mobile version