Caku aragtidaadii
saw caashaq ima helin
misna cudur xanuun lehiyoo
sow ciil imuu badin
(2x)

Anfacada la cuna iyoo
saw ceeshkii kama go’in
cabitaana daayoo
cunahaba ma mariyee
inuu caashaq halis yahay
calafkana wax jira yahay
caawaba anaa qiree
cawaba anaa qiree
(2x)

adiguna sahra ceeblaay
cudurka ma ila qabtaa
calanka ma ila sidaa
calafka ma ila sugtaa
mise kumaan cajabin
ani kumaan cuntamin
cidlaan kali heesayaa

(2x)

Caku milicsigaagii
saw indhuhu kuma calman
dabadeed calooshiyo
saw caqliga uma gudbin ahahaa

(2x)
iyana codsigoodii
saw qalbiga uma celin
isna cabir wuxuu yidhi
cajab weeye gabadhuye

(2x)
inuu cadarku udug yahay
adina aad canbar tahay
cawaba anaa qiree
cawaba anaa qiree

adiguna sahra ceeblaayeeeee ah
cudurka ma ila qabtaa
calanka ma ila sidaa
calafka ma ila sugtaa
mise kumaan cajabin
ani kumaan cuntamin
cidlaan kali heesayaa

Exit mobile version