Hibo:
Rooblow
Raasamaaal nin heestoo
Meel badan rakaatay
Iyo kii rafaadee
Raadkiisu maranyahay
Rug mawada dagaanoo
Loo mawada riyaaqee

Waa kuu rafaadayoo
Rayigii aan leeyahay
Kaa raadinaayee

Sida roob Gu! oo da’ay
Ramaaskiina baxiyaaa
Nafta raali galisee

Rabigayga ka yaaboo
Ama raali ii noqo
Ama raadso meel kale

Nageeeye:
Ruuney
Ninrafaadi jiray ebad
Markuu raaxo wayn helo
Rarankuu horay umaray
Raacday uguma laabtee
Waa la sii ruclayaa
Ileen waa urobad go’ay

Markii aan ku rabay baa
Raadkayga goysooy
mid kale urucleesee

Kii layga rogay baa
Heeryadaa ku saaree
Anna kaama sugayee

Rabiyaga ka yaabayee
Ha iraali galinee
Ruuxaaga iga qari 🙂

Hibo:
Rooblow anba kaama roorinee
Anba kaama roorinoo
Ra’yi xumaa iqaadoo
Raarkii aan fuulay baa
Riiqdiisa ihaysaa
Kaa reyxsan waaye
Rixin goys ha noqoninee

Riixii jaceylkiyo
Raaridii dhadhamiyoo
Waa aniga rafaadee

Sida roob Gu! oo da’ay
Ramaaskiina baxiyaaa
Nafta raali galisee

Rabigayga ka yaaboo
Ama raali ii noqo
Ama raadso meel kale

Nageeye:
Ruuneey
Waxaan kugu riyoodoo
Been aan rumaystoo
Reeryo la ii saaree
Riddo waran la jiifee
Rafiiqay ka qaraiyaba
Iminka waan ka raystee

Markii aan ku rabay baa
Raadkayga goysooy
mid kale urucleesee

Kii layga rogay baa
Heeryadaa ku saaree
Anna kaama sugayee

Rabiyaga ka yaabayee
Ha iraali galinee
Ruuxaaga iga qari 🙂

Exit mobile version