Barashadan kalgacalkiyo
Boholyowga caashaquu
Haduu baylah kaa helo

Nin bukaa bariidiyo
Booqashada ma diido
Uu laba bogleeyaa
Uu uu laba bogleeyaa

Bidhaan aragtidaadiyo
Balantii jacaylkaan
La baaxaan dagaa
La baaxaan dagaayaa

Bilan aragtideedii
Sow boogi dhamaboo
Bogsan weyday iimay noqon
Bogsan weyday may noqon

Bogan waayo kii ifkee
Laf dambana gaab loo sudhay
Yaa yaa ku baafinaysee

Markii aad ka baydhee
Iguu sii balaadhee
Boga ii fadhiisee
Bogaad boga ii fadhiisee

Waa ku baafiyayaayoo
Wali baadi doonkii
Meelahaa ku haybshaa
Meelahaa ku haybshaa

Bilan aragtideedii
Sow boogi dhamaboo
Bogsan weyday iimay noqon
Bogsan weyday may noqon

Exit mobile version