Dhaqan fiican iyo laba hele
Sharaf dhalaana lagu hubo hele

Tii laga dhex beeree
Dun wanaag u dhalataay
Ma dhabaankii baa tahay hele
Igu dhalisay caashaqa hele
Ha igu dhaafin kaligay

Dhaban quruxsan iyo laac hele
Shacniguna u dheer yahay hele

Tii loo dhameeyee
Lagu dheehay baa tahay
Ma dhabaankii baa tahay hele
Igu dhalisay caashaqa hele
Ha igu dhaafin kaligay

Dheg wanaagsan iyo socod hele
Habahaad badh dheertoo hele

Qurux loo dhameeyee
Dhexdu taako iyo laba
Dhumucdeeda leeg tahay hele
Igu dhalisay caashaqa hele
Ha igu dhaafin kaligay

Dhaqan fiican iyo laba hele
Sharaf dhalaana lagu hubo hele

Tii laga dhex beeree
Dun wanaag u dhalataay
Ma dhabaankii baa tahay hele
Igu dhalisay caashaqa hele
Ha igu dhaafin kaligay

Exit mobile version