Waxa aan la dhuubtee
Dhakafaarkan igu riday
Jacayl igu darimay
Oo aan niix dareemin

Intuu intuu dhameeyay jiidhkaygii
Lafaha u dhaadhacay
Dhuuxa hoos u marayee
Wadnuhuu doontee

Soo diray dhambaalkii
Ku dhignaa afkeenee
Akhris kuguma dhibinee
Kuguma dhibinee
Dhool da,ay la moodyeey

Dhibta aan ku jira iyo
Dhawaqaan ku leeyahay
Dhayal ha u malayninee
Naga dhaaf caashaquyee

Dhankuu
Dhankii uu ku dheer yahay
Dhaayahaad ku aragtaa
Ha igu dhafin meelee
Tii aan in dheer sugaayeey

Soo diray dhambaalkii
Ku dhignaa afkeenee
Akhris kuguma dhibinee
Kuguma dhibinee
Dhool da,ay la moodyeey

Exit mobile version