Inaad qaali ii tahoo
Wadnaha qaarkiisa tahay
Adoo qumaneey waliba qaaliyeey
Adoo qumaneey shukriyeey ogsoonoow

Hadaba qeyrkaa
Dumarka qaaradaha ku nool
Miyaan kula qayb dhigaa
Miyaan miyaan
Kula qayb dhigaa

Qalbigaad farax u tahay
Indhaha kuu qiraya sidaa
Qalbigaad farax u tahya
Indhaha kuu qiraya sidaa
Naftan kaa quugsanayn
Qadarin kalgacal
Iyo qunbaan kuu jecelahay
Qadarin kalgacal
Iyo qunbuu kuu jecelyahay

Inaan qubi kuu dhisoo
Wadanku quruxdeena yahay
Adoo qumaneey waliba qaaliyeey
Adoo qumaneey shukriyeey ogsoonoow

Hadaba meeshii qaboo
Dhirtiyo ubaxa is qabtee
Miyaad qormaysatee
Miyaad miyaad
Miyaad qormaysatee

Qalbigaad farax u tahay
Indhaha kuu qiraya sidaa
Qalbigaad farax u tahya
Indhaha kuu qiraya sidaa
Naftan kaa quugsanayn
Qadarin kalgacal
Iyo qunbaan kuu jeclahay
Qadarin kalgacal
Iyo qunbuu kuu jecelyahee

Qalbigaad farax u tahay
Indhaha kuu qiraya sidaa

Exit mobile version