Sida meel raxmaan
Rabi roob ku shubayoo
Rays iyo xareed
Ubaxa raaraxoo
Caleemuhu ruxmanayaan

Lagu reeyayoo
Ruuxii arkaan
Ubad iyo qalbiga
Nafu raali noqon
Nafu raali noqon

Rajadaan gabay
Rug barwaaqa iyo
Reer lagu nastaay
Rajadaan gabay
Rug barwaaqa iyo
Reer lagu nastaay
Aan raaxeysanee
Roodaay hoo
Jacaylkan roodaay
Roodaay hoo
Jacaylkan roodaay

Sida meel rumaan
Rayn rayn lahoo
Rayniyo dhawaaqiyo
Rafaad lagu arkee
Rubad gooye layn

Lagu rooyahoo
Rafiiqaygiyeey
Ubad iyo qalbiga
Nafu raali noqon
Nafu raali noqon

Rajadaan gabay
Rug barwaaqa iyo
Reer lagu nastaay
Rajadaan gabay
Rug barwaaqa iyo
Reer lagu nastaay
Aan raaxeysanee
Roodaay hoo
Jacaylkan roodaay
Roodaay hoo
Jacaylkan roodaay

Exit mobile version