markuu dookhu sahan tagay
markuu meerayuu socdayey
maanka muhashadiisee
marlay dumar ka soo xushay
mahad EEBE weeyaan

mataantaydii koowaad
marwadaydii haday tahay
masha ALLAHUYE
murugadii i daysiyo
mawjadihii guuxu moog

waa mashxarad iyo farax
haduu guurkeenii meel maray
faadumooy daga aynu muudsano
malabka caashaqaa

maah maah loogu yidhi hore
marwo raaliyo nin helay
ma jabo mana niyad jabee
miisaalkeed waxa u dhigan
faadumo marwadaydaa

muxibana isu qabnoo
miisaankiyo caqliga badan
ku manaystay EEBOO
igu mudan runtiiiyo
ma huraan naftaydaa

Exit mobile version