VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ugbaad - Lyrics

Wali uunkaa Axadaan ku ag dhigo Aduunyadaa kuman arag Aduunyadaa kuman arag Macaan intaan jiray 2× Mana helin asaagaa Halka gudaha uurkiyo Ubucdaydu kaga taal Qof kaloo istaahilo Qalbigaygu aamino Mana filayo abidkay Inaan kaa ahaan karo Ayo kaaga maarmoo Ku ilaawi kara sahal Naftayduna adoo qudhay Ifka kuugu jeceshohoo Ka qoloolo rayntaa Iimaankaa deeqaay Faaduumo hoy la,aantaa Uma ladayo ladayo Uma ladayo istareex Iimaankaa deeqaay Udgooneey la,aantaa Uma ladayo ladayo Uma ladayo istareex Wali aniga Adigan ilwaad qurux Wanaagey xiro kuugu Wanaagey xiro kuugu Oodnagay Mana jiro asluubtiyo Edabtiyo xishoodkiyo Ixsaankaaga gabadh loo Arxan aan ka door bido Arxan aan ka door bido Mana ogi faadumooy Aynigaa filkaaga Ina lagula meel dhigo Hibo kula irmaaneey Naftayduna adoo qudhay Ifka kuugu jeceshohoo Ka qoloolo rayntaa Iimaankaa deeqaay Faaduumo hoy la,aantaa Uma ladayo ladayo Uma ladayo istareex Iimaankaa deeqaay Udgooneey la,aantaa Uma ladayo ladayo Uma ladayo istareex
Queue is empty
-- / --