1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane
Xili aakhir sabaan iyo
Waa saban xumaado
Xeerki dhaqankii sooyaal
Hidihii la waa xool
2×
Xeer beegti odayiyo
Cuqaal xaajo kale ma leh
Xisaab tiri yar mooyee
Xilo gube ragii noqay
2×
Haweenkuna xakame
Xuduud celisa ma lahoo
Waa xeer taraariyoo
Ubadkuna xaqdhawrkiyo
Xurmadaa ka guurtoo
Kuwa xaasidkaa kori
Xanaanayso cadawgaa
2×
Wixii laga xishoon jiray
Ayaa xarago la dhigay
Rabow xaalkan daba qabo
Xali cudurkan umadey
Noo keen xal iyo dawo
2×
Xili aakhir saban iyo
Waa saban xujooboo
Xusul duubka dhagareed
Loo wada xanjeertee
2×
Xiriirkii lamaanihiyo
Jacaylkii xadaysnaa
Xeelad iyo khiyaamiyi
Noqay xiiso maalmaa
2×
Waa xaaluf garashadii
Laga orod xalaashoo
Xaaraantii lagu faaf
Xaasidnimiyo fogaatiyo
Xiqdibaa bulshadii galay
Xididkaa is cunayoo
Xigtadaan is nabad galin
2×
Wixii laga xishoon jiray
Ayaa xarago la dhigay
Rabow xaalkan daba qabo
Xali cudurkan umadey
Noo keen xal iyo dawo
2×