haween waa lama huraan
mar waa hooyada macaan
mar waa hilib kula dhashiyo
hugaagiyo hoodo badanee

hantiyo waa xariir haboon
hantaaqana uma qalmaan
haadiyo nacab looma looga
hubaal iin looma yeelo
huqiyo ciil looma gaystee

hooyo halyay dhala weeye hooyo
hiigsiga nolol weeyi hooyo
hilinka guusha hooyo
hoy weeyaan lagu hirtee
ALLOW hab i bara janee aamiin
ALLOW hab i bara janee

haween waa la hadhsadaa
mar waa hadhac iyo goboo
mar waa hogol lagu nastoo
hoobaan iyo midho macaanee

horaadkeedaan jaqooo
wanaagbay igu habtoo
anoon hurdo seexanbay
awgay u haraadayee
hooyadu waa lama huraan hooyo

hooyo halyay dhala weeye hooyo
hiigsiga nolol weeyi hooyo
hilinka guusha hooyo
hoy weeyaan lagu hirtee
ALLOW hab i bara janee aaamiin
ALLOW hab i bara janee

ALLOOOOOOOOW Hoooooyo

Exit mobile version