sidaan kuu calmaday
sidaan kuu cugtiyo
sidan camalsaneey
laabta kuugu culay
uu cajabay nafluhu

cisi sharaf gobaay
nasab ciil tiraay
cindi ruux dhayaay
caqli maan kabaay
cadceedoo soo baxdiyo
cadrad quruxleheey

guul caashaqiyo
citiraaf cishqibaan
hantinay cudooneey
farxad igula ciid
guul guul

sidaan kuu cuskaday
caynkaan kuu jantiyo
sidaan ciriq dhayaay
kuugu dhigay cindiga
uu cajabay nafluhu
hooy uu cajabay nafkuhu

caawiyaay kabaay
cindi kaafiyaay
caqli hanad ladhaay
codkar inan dhabaay
ciseeyaha naftaay
xumaan caasiyaa
cilmi dhaqan watiyo
cadkii gaaridaay

guul caashaqiyo
citiraaf cishqibaan
hantinay cudooneey
farxad igula ciid
guul guul

Exit mobile version