intay daymadu dhawdahay
intu jacaylku dagan yahay
inta dulmi caashaqu badan yahay
ama dookh lacag yahay
duunyadu seeg tahay

daaya dantii ha hadlee
daaya i daaya

anigu dood ma karaayo
jamashadan diciifka
waan u diiday naftee

intuu danyare dhibanyahay
dala siyowguna badan yahay
intuu damiirkuna iib yahay

intay dadnimadu maqan tahay
intay doorashadu xidhantahay
inta danbi caashaqu badanyahay
ama duudsi cadi jiro
gaajaduna hayn tahay

anigu daal ma awoodoo
adoonka oon ka dhibtoodo
waan u diiday naftee
by masuul.com

Exit mobile version