jacaylku kuma hagaago
jikaariyo hadal jareexa
jujuubmaha ku samaado
jidkiisuna maaha kaase

adoon nafta jaah wareerin
jaraha caashaqa il duufin
ha u jabin nacabiyo shisheeye

intaad soo jeedi leeday
intaad jar iyo qaw ha iska tuurin
intaan soo jiido leeday
nacaybka ha sii jibaarin

jacaylku kuma tanaado
jirab iyo dood aan joogan
jamashana kuma timaado
jawaabaha cadhada beera

adoon i jidiin qalalin
hadalaan macno ku jirin
jujuubiyo muran xal moodin

Exit mobile version