Adaan dartaa u daalanahoo
Dawooy kalgacaylka ula derisee
Dareen ku raboo
Ku doorbidayaa
Wixii danbi dhacay
Indhaha ka dadooo
Daniyo carabba
Is diidi karee

Intaad dudi lahayd
Anaa daganee
Dadnimaa sharaflee
Macaan i dawee

Adaa dookhiyoo
Naftayda dabroo
Laabtayda degoo
Dabiibay wadnahay
Jacayl digashiyo
Damqaad magayee
Duliyo samiryeelo
Waa dahabee
Daniyo carabbaa
Is diidi karee

Intaad dudi lahayd
Anaa daganeee
Dadnimaa sharaflee
Macaan i dawee…

Exit mobile version