Ineey damqatoy bal diirto
Calaacal maxaan u daaray
Maxaan cabashada uduubay
Maxaan diray heeso caashaq

Intaan dadka dhawaaday
Maxaan gaar ugu dansheegtay
Maxaan dumarka uga caagay
Darteed u baqoolay maalmo

Maxaan diidin dearly bby
Ku daalay jacaylka dooji ku daalay

Anoo daayacay naftayda
Maxaa teeda uun difaacay
Dantayda intaan illaaway
Maxaan iyada uun daryeeelay

Intaan araggeeda doonay
Maxaan daydayaa warkeedaa
Intaan suugaan deliishay
Ammaanta maxaan la doontay

Maxaan diidin dearly bby
Ku daalay jacaylka dooji ku daalay…..

Exit mobile version