dhaaxaad igu dhaadanaysoo
dhabtaada ku seexanaayay
dhaxanta iga weheshanayso
si dhabaad ii jeclayd

haduu xiisihii dhamaaday
anaa dhaawaca is yeelay
dhaliisha anaa mutaystay
dhibane waa yeelkadiisa

dhaaxaad ii dhaga nuglaydo
ilaad dhaayaha i saarto
dhabanada kuu salaaxo
cuntadu kaa dhadhacayne

haduu xiisihii dhamaaday
anaa dhaawaca is yeelay
dhaliisha anaa mutaystay
dhibane waa yeelkadiisa

dhaayihii ku arkaa
xusuusta ku dheelmade
anaa dhalanteed jacayla
dhex dhigay laabtaydee

haduu xiisihii dhamaaday
anaa dhaawaca is yeelay
dhaliisha anaa mutaystay
dhibane waa yeelkadiisa

Exit mobile version