sidii dhabi qudh u baxoo
qar iyo buur dheer ku yaal
hablihii waaad qarisayoo
koobkii quruxdaad sidaa

hudaaay qiimaha haween
adaa qayb libaax heloo
qadarinbaad mudantoo
qofaan kuu dhigo la waa

qayrkaabaan kaa xushoo
naftaa kugu qanacdayoo
jidhk hadii la qalo
qalbiga adigaa ku qoran

indhuhu ruuxay qabtaan
qudhaadaan ugu jecloo
qalbigu uu kugu nastaa
calooshaad qaboojisaa
halbawlaha qaybiyee
dhiigaba qaadaad wadaa

sidii qorax soo baxdoo
falaadho qafiifa iyo
shucaac qalimo le dirtoo
xariir qooraansataa

qumaneey lagu moodayo
QANIGU siduu kuu khalqee
xabiibi laguu qorqoray
quruumo dhanbaa fajacay

qaabku ALLE kuu dhashiyo
siduu QAADIR kuu sarjaray
habluhu waxay ka qajilaan
inay qormo kula maraan

Exit mobile version