dunida salawbaa ka dhacay
seeskaa nabada la tiray
suulaa laga tagay wanaag

xiligan seefta milgo le
wadkaa loo sacab tumaa
suugbaa lagu maamulaa

ninkii sado doonayaa
sadqada hanadu qalaa
sul cawraa dunidaa rogay
wuxuu saatolay dul dhigay
dadaan soortiiba hayn
RABOW soomaliland
ka nabad gali siica dhacay

ALLAHAYOW samato bixi
soomaaliland
RABOW sarseer ha badin
soomaliland
salaamaad bikuli aafaad
soomaaliland

sadheeyee qofkii wacnaa
sumeeyay dadkii mudnaa
kooxaa la samaystayoo

sadbay diintee gasheen
soomaalida guud ahaan
xalkeedii la saari waa

xadhigan qoortayda sudhan
inaan sito waan arkaa
suuryada kii xidhay ma ogi
sirtana wali cidi ma garan
adaa SAATIROW RABOW
soomaalida guud ahaan
ka qaad saymaha ku dhacay

Exit mobile version