Jamaadeey jamaadeey
Wax jaceyl aan moodaa
Intuu jilibka ii dhigay
Ijibaaxay anigee

Jiribtiyo dhibtaan qabao
Jini qabeysa beeliyo
Aan jimic sanaayaa
Jeeyahaa isaaree

Jamaalkaagu inan yahy
Igu noqay mid jooharad
Wadnaheyga u jiifee

Cilmi kii jilbaha u dhiga
Jara ii maleygoo
Jeegadaa isaaree

Jamaadeey jamaadeey
Jamaadeey Jilaal abaariyo
Jabad laga hayaamiyo
Waxa jabaq lasoo maray

Jar baad iyo caraababa
Jidkaa waxaa ku so maray
Haad baa jimicsi iyo taah
Jabkaan aniga soo maray

Jamaalkaagu inan yahay
Igu noqoy mid jooharad
Wadnaheyga jiifee

Cilmi kii jilbaha u dhiga
Jara ii maleegoo
Jeegadaa isaaree

Lyrics by: Abdi deeq

Exit mobile version