tagay ceelashaa bariyoo
baryana tagay ceelashaa bariyoo
buuhoodle buuraan ka haybsadayo
biyana dhuray dhirta caynabo oo
ka baaqay banaanadii hawdoo
biimeeyay naftan bogsiin jirayee
waa jacaylkaaagee
taan u jiidh go'ayee
ala janooy aawada ma jiifsada e
qatankee la qaawanyahiyo
dharaarta qatankee la qaawanyahiyo
dharaarta qoraxdiyo qudhaanjo maqnayn
qudhaydaad goysaybaa laguu qabanoo
malaa'igta qalinka loo dhiibiyo
ILAAHA qaadirkina wax qarin maayoo
qiilaad ku baxdaana kuuma qornee
qawlkeebaad la hor tagi qiyaamaha e
jawhariyo luulaay waa jacaylkaagee
ala janooy aawadaa ma jiifsadee
hooto geenyo halabsadayoo
baabuur hooto geenyo halabsadayoo
habeenkii daroor u sii hoydoo
ka haw idhi hiirtii waabarigoo
hadhkii maalinimo haday tahayee
galool hadh dacar la hoos galayoo
halkaana cabaar ku yara nastoo
sidii haatufkii waxbaa ila hadloo
hareertaydii eegayoo hinqadoo
haleeyay hubkaan sitoo idiloo
hayaan wata geenyo halabsadayoo
horo u socobay yidhaahdeenoo
hagaag ii tilmaamay hilinkiiyoo
ku soo hirtay hugulkii reerahoo
hoosaad u waraystay hoygoodoo
dabadeed heelaytan u hawl galayee
waa jacaylkaagee taan u jiidh go'ayee
ala janooy aawadaa ma jiifsado ee