waxaan dumarkiyo hablaha
darmaanyahay kaaga soocday
inaan ku dagnoon xubiga
nolasha is dugaashanee
anigu marnaba anigu
anigu dood iyo ilaaq
dagaal kuuma guursan adi

waxan kuu doortay adi
inaan kuu diir naxnoo
gayaan isu duubanoo
is daysta ahaan karee
anigu digashiyo colaad
adiga dudmo kuuma xulanee

naxligaan laga daalinbaa
nolosha kaa dayriyee
labada aan kala danbayn
kalgacal isu soo dabaal
xidhiidhkooduna daryeel
intuu dago laguma raysto

waxaan kuugu dabacsanee
dawooy kuugu beer nuglahay
inaan isku diir naxnoo
is daadihinaan rabee
anigu marnaba anigu
anigu doodiyo ilaaq
dagaal kuuma guursan

dabuubta wanaagsaniyo
waxaan duni kaaga xushay
inaan kaa helo daryeel
naftani ay ku doogsatee
anigu digashiyo colaad
adiga dudmo kuuma xulane

Exit mobile version