marwaan kugu dawoobaa marna kugu duroobaa
waxaad doojisaa laab caashaqu ku daabacay
magacaaga deeqaay mar waad dudumisaa
damaqbaad ku reebtaa oo waad ku digataa

naftan dabarku kuu xidhay ama dayso oo dhawr
ama daa idaayoo meelkale u diga rogo

doorkaygi ma aan gabin oomana dadaal yari
dabci xumo umaan dhalan dadna iguma sheegayee
adna waad dun adagtee isa soo dabaaloo
dumar taan aqaaniyo noqo taan ku dagi lahaa

Exit mobile version