VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhigaa laga waa - Lyrics

dhuxiisa dadiyo dhagii boqorkaa sidii dhabi hawd dhamaystirane dhabeelyahay dharaftu waa dhalano quruxda dhabankiyo dhalaalka haboon hooyadii ku dhashaa khadraay dhaxashoo dhalaalka humaagu waa dhaqashee dhagtiyo marwanimo hablaha dheerto ducana waad ku dhaaftay dhawrsan habloo dhiga laga wadaa dhulkiyo arlada dhashkaa u dhaxdiyo ugubkii ku dhashaa wanaag kula dhaqantaa dhaaya bilaay haleeleyo iyo haleela khadraa dhaqantoo hubaal dhisantoo macbuud kama dhigo mid dheelida oo lur iyo kaa dhowr waxaad dhibsato qoroxda dhalataba ku dhaqan faraxoo dhamaan noloshaada dhoola cadee dhigaha anshaxa iyo udbaha dhaqankaay dhirtoo ubax iyo maankay dhaxashaa gobaan dhaladkeed u dhalo roginee dhaayaha ku dhugtaa ayaan u dhashee qofkaad soo dhawoow dharaaro tidhaa dhabtii ashqaraar bishaa dhalataa mawlaa ka dhilay dhaliisha xuno dhamays ka dhigay qof loo dhalanrogo hadii dhakhtaradaa dharaar iman lahay bukaan dhibanoo waadh la dhigaa markuu ku dhugtaba dhaqaaqi lahaa haleeleyo iyo haleela khadraa dhaqantoo hubaal dhisantoo macbuud kama dhigo mid dheelida oo lur iyo kaa dhowr waxaad dhibsato qoroxda dhalataba ku dhaqan faraxoo dhamaan noloshaada dhoola cadee
Queue is empty
-- / --