1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane
dhuxiisa dadiyo
dhagii boqorkaa
sidii dhabi hawd
dhamaystirane
dhabeelyahay
dharaftu waa dhalano
quruxda dhabankiyo
dhalaalka haboon
hooyadii ku dhashaa
khadraay dhaxashoo
dhalaalka humaagu
waa dhaqashee
dhagtiyo marwanimo
hablaha dheerto
ducana waad ku dhaaftay
dhawrsan habloo
dhiga laga wadaa
dhulkiyo arlada
dhashkaa u dhaxdiyo
ugubkii ku dhashaa
wanaag kula dhaqantaa
dhaaya bilaay
haleeleyo iyo haleela
khadraa dhaqantoo
hubaal dhisantoo
macbuud kama dhigo
mid dheelida oo
lur iyo kaa dhowr
waxaad dhibsato
qoroxda dhalataba
ku dhaqan faraxoo
dhamaan noloshaada dhoola cadee
dhigaha anshaxa
iyo udbaha dhaqankaay
dhirtoo ubax iyo
maankay dhaxashaa
gobaan dhaladkeed
u dhalo roginee
dhaayaha ku dhugtaa
ayaan u dhashee
qofkaad soo dhawoow
dharaaro tidhaa
dhabtii ashqaraar
bishaa dhalataa
mawlaa ka dhilay
dhaliisha xuno
dhamays ka dhigay
qof loo dhalanrogo
hadii dhakhtaradaa
dharaar iman lahay
bukaan dhibanoo
waadh la dhigaa
markuu ku dhugtaba
dhaqaaqi lahaa
haleeleyo iyo haleela
khadraa dhaqantoo
hubaal dhisantoo
macbuud kama dhigo
mid dheelida oo
lur iyo kaa dhowr
waxaad dhibsato
qoroxda dhalataba
ku dhaqan faraxoo
dhamaan noloshaada dhoola cadee