walee dumaroow
ninkaad la dardaamaysan
ninkaad la dadaalaysaan
ninkaad runta daba wadaan
ninkaad caqliga dabasidaan
iwada guushu helaa
haduu ragu doqonsana
geesiyo diricbuu noqdaayo
dushaii caaduu tagaa
hadii uu dulqaad yara
nin aan wax damqaaniyiyo
duqii nabaduu noqdaa
dookhana calafbaa hagee
hadaad guur dadab gashaan
dulqaad iyo samir lahow
ninkeed dubatana ha noqon
ayaan lagu odhan dagdaga
ayaan lagu odhan dayacan
ayaan lagu odhan dabshida
ahow danaheed ku filan
ahow duca qaba asturan
ileyn daraajada haweenku
ilayn waa wada dulqaadka
xishoodku miduu dabaalay
ilayn ruux kuma danbaabo
ilayn dabadeed ma caayo
ilayn dandaansan maayo
hadii se habeen dawaafka
dadkoo laday suuqa meerto
intay gurigooda diido
haday kolba laba ku daahdo
haday duljaan la joogto
habsaansho haday danayso
haleeya haday ku daasho
walee darajadu ka wiiqan
walee ceebaha dushooda
walee kii dagay tilmaan leh
warkeeduna dibada yaale
hadaad asturnaanta diido
dibada xubnahaaga keento
intaad kolba daawaneyso
hagoogta hadaad ka deyso
jidhkani dusha laga arkaaya
inuu danbi yahay yaqiinso
hadaan dalka kuu daroorin
dushaadana roob ka hoorin
dugsigga aqalkiyo rugtiina
hadaan laga shidin dagoogna
wakhtiga kali kuma daldalin
duruuftuna kulama dhalan
waayaha dunidiyo nuurkiisa
dadkuba waa kula qabaaye
ka saar noloshaada dayro
ha quusanin daa'im kaasho