jacaylkan igu furmee
ee ku fiday jidhkaygan
ka fadhiisan waayoo
waakan igu fogaadee

la faltamaya dhiigee
ku fogaaday laabtiyo
feedhaha dhexdoodee
sideen uga fayoobaan
feedhaha dhexdoodee
laylaay sideen uga fayoobaan

naftan kula faqaysaa
fikir aad ku beertee
kol hadaad ku filantay
faa'ido weeyee
fursadeenii weeyii
farxadii arooskeena

saad u fiiro dheertahay
waan filaayay anigguye
fariimaha kalgacalka le
waan ka helay fartaadii
ee anshax haa cabdi

fiicnaan lahaydaa
inagoo filkeeniyo
faceen ugu qurxoonoo
isla fulinay hawlaha

naftaan kula faqaysaa
fikir aad ku beerteee
kol hadaad ku filantay
faa'ido weeyee
fursad weeyi caawee
farxadii arooskeena
fagaaraha ma keenaa

Exit mobile version