Xiisihii gudhee
Iga gaagaxay
Hadaan godloo
Gaawaha u culi
Ma utahay gudoon
2x

Xusuusaan gocdaa
Gurigoo cidlo ah
Kolkaan so galo
Ilmadii go'bo iga tidhaa
Gu'ii gabi gabi qoysayee
Ii fidi gargaar. gargaar
2x

Ka gadaal ka gadaal danbaaan
Inan kugu gab yidhi
Gacalooy gartee
Guntaan qaadanin
Qaladkay gashee
Gobeey raali noqo
2x

Gaari baad ahayd
Gaashaan ahoo
Waxa aad gudo
Anigaan ku garan
Oo kuu gaasiray
2x

Galabtaad tagtee
iga goosatan
Dib usoo gurtaye
Gacal ways qabtaa
Mana kala go'ee
Adigoon i gabin
Garab maad isiin
2x

Ka gadaal ka gadaal danbaaan
Inan kugu gafay
Gacalooy gartee
Guntaan qaadanin
Qaladkay gashee
Gobeey raali noqo
2x

Exit mobile version