dayaxaa habeenkii
dunidaba siraadee
xidigaha ladarisee
daruuruhu hadheeye
sida aragti daymadu
ishu ugu dalxiistaa
maanka u daweysaa
dayrtiiyoo gugiiyoo
daran doori ugu dagay
dal wanaag togdheero
dareemada iyo ubixii
doogii kasoo baxay
aniguba il doogsiga
sow kugu ma diirsado
caasahqan daaraada
naftu doonistaadii
hawadaa dawaaftaa
soo dooji leeyahee
adiguna u noqo dabar
sidaad iidanaysee
dumar iiga xulataan
damaashaadka awgaa
dikriyaa had iyo jeer
dikriyaa had iyo jeer

daaloo barwaaqoo
shimbiruhu dul joogan
baalalayda duushaa
marka ay dul marayaan
sow daymo dhugashada
midabkaagan dahabkaa
ma dayoobo awgaa
aan wada ducaynoo
wixii doogl horeetana
dogol caafimaadoo
daadihiya kalgacalkoo
wadnihii damqaniyo
sii daweysa nabarada
daaim aynuu barinee
ila duul sidii haad
cashaqan daraadaa
naftu doonistaadii
hawada dawaaftaa
soo dooji leeyahee
adiguna unoqo dabar
sidaad iidanaysee
dumar iiga xula taan
damashaad ka awgaa
dikriyaa had iyo jeer
dikriyaa had iyo jeer

Exit mobile version