Sidii qorax so baxdo
falaraha Qeybisiyo
quruxda buuraha Calmadow leh
Qajeel baad ii Aheyde
Qalbiga ruux iidagoo
Indhuhu kuu qabobayan
Qof ba tahay iidhawaa

Caweysyada qaaligaa
Waxaan kuu qaadi jiray
Qol weynaha cishqigu
Naa maaheee
Dadk wada qaadeee
Qalbiga ruux baa hantoo
Midbaan quful ugu xiree
Naftana adigaa qabsadayee

ayaamaha wada qalalan
qodxaha waayaa ku baxe
waxay qalayaan naftee
muxuu qalbiyada is jecel
u kala qaada wakhtigu

qurbuhu way kala tage
hadaad qunyar yeelatana
hudii quruxdana waan ku sudhe
hadaad kaligay qaayibtana
qalbiga samirban ku faray
naftayduna way qaloo
ayaamaha qaxarka badan

sidii godob qaanso laho
bilaysii labada ahaa
badweyn kuu qotomisay
hirkana qooransi
qofbaa tahay ii dhawaa

ayaamaha wada qalalan
qodxaha waayaa ku baxe
waxay qalayaan naftee
muxuu qalbiyada is jecel
u kala qaada wakhtigu

Exit mobile version