naftaydaay sahan ku goob
maalmaha socdiyo xiliga
saaxiib la ahaw waqtiga

wax ku seegay ha u dudin
sadka nolosha kaa maqan
samir iyo ku dhaawr calaf
dharaaraha sirgacan iyo
hadba samanka kugu adag
adoon salow ka qaadayn
riyo saabka ha u tolan

hankoo laga saboolaa
ku sahadsha eedaha
dadku kugu saluugee
sumcadiyo u xilo sharaf

naftaydaay samirka baroo
calaf seegi mayside
saabaale ku noolaano

qof sareedo kula jecel
oo suldaaro kula rabin
nacabkaaga ha la simin
hana korin salaamada
qof ku saaray ridi karo
sirtu aamus weeyee
dhana samaha ugu xilo

Exit mobile version