hadaan shalay idhi shifaad tahay
imika shar iyo shidaad tahay
hadaan shacni kugu shabihi jiray
shakaaleey amaanta shubi jirayeey
shaqlaneey caashaqaan shixnidi jirayey
waxaan sharaxaba shilbuu galayeey

dhaaxaan geenyo shilis la shaaximay
waa shafka reer hode shishood nugushee
aan u sheegee shaxdaas dadanoo
shareeran amuuro shaqulkaayee

shideed baxayee ha sharataminee
shalayn maayee shandada guro oo
naa shiraaco hadeer shuruud li'i

hadaan ku shinsado shaxeex dhimay
hadaan shirku jirin shibaan idhi
shakhsiyo luminiyo shushuub badan
shirkii dhacay shawrkii hoosana
sheedaan ka arkaayay sheekada ee
ana shabaqa la igu shilif xidhiyeey

shiilaabiyo shirdimaan dagoo shabeel dagayeey
shabado kaa shidan shukaansadayeey
shakina kuma jiro shanbaan heliyeey
sharcigu intuu qabo la sheekh tagayee

Exit mobile version