xiligu waa saacadiiye
isagu ii sido laftiisa
anoo sabadayda jooga
intuu soo galo rugtiisa
salaan gacaltooyo waynle
intuu cod san igu yidhaahdo
igu soori jirayee
igu soori jiray laabtee
maxaa siya ee ku dahacay
sideen u helaa warkiisa
maxaa siya ee ku dhacay
sideen u helaa warkiisa

xiligu waa saacadii
aduunka midaan ka soocday
ee hoyga igu sugaysay
intaan saani ugu hagaago
judhaan saaro dhaayahayga
dhaayahaygaa
intaan ku hab siiyo laabta
tacabka ku ilaawayee
wadada saxmadiyo habsaanka
niyadu ma samaanayso
samirkan uma taag hayee
waa inaan lugta socod baraa
waa inaan lugta socod baraa

miyaan af wax saarayaa
haraadku miyuu i solaa
hurdiyo seexasho ilow
anoon xaaladiisa sugin
siduu wehelkaygu yahay
waa inaan inaan inaan waa inaan soo baafiyaa
waa inaan waa inaan soo baafiyaa

miyaan sikin sikin
aragtideeda sabaalo ku joogayaa
anoon xaaladeeda sixin
sidaan ku aqaanay dhaqan
sadriga uu qaboobayaayoo
sidayda waranba ku mudan
sadrigu u qaboobayaayo
sidayda waranbaa ku mudan
sidayda sidayda sidayda waranbaa ku mudan
ala sidayda sidayda sidayda waranbaa ku mudan

miyaan af wax saarayaa
haraadku miyuu i solaa
hurdiyo seexasho ilow
anoon xaaladiisa sugin
siduu wehelkaygu yahay
waa inaan waa inaan soo baafiyaa
waa inaan inaan soo baafiyaa

miyaan sikin sikin
aragtideeda sabaalo ku joogayaa
anoon xaaladeeda sixin
sidaan ku aqaanay dhaqan
sadriga uu qaboobayaayoo
sidayda waranba ku mudan
sadrigu u qaboobayaayo
sidayda waranbaa ku mudan
sidayda sidayda sidayda waranbaa ku mudan
ala sidayda sidayda sidayda waranbaa ku mudan

ma inaad i saayataa
sababteeda doontaa
ma inaad silic ii badaa
ku sar goysay xaajada
sow ruuxdu ruuxdaada
RABI kuma samaynoo
sow ruuxdu ruuxdaada
RABI kuma samaynoo
kuma soohnid laabtayda
kuma soohnid laabtayda

ala maya suuban mudaneey
marna saymo kuma bado
macaan maya suurad quruxeey
saxariir kulama rabo
sow ruuxdu ruuxdayda
RABI kuma samynoo
kuma soohnid laabtayda
sow ruuxdu ruuxdayda
RABI kuma samaynoo
kuma soohnid laabtayda
kuma soohnid laabtayda
kuma soohnid aabtayda
kuma soohnid laabtayda

ma inaad i saayataa
sababteeda doontaa
ma inaad silic ii badaa
ku sar goysay xaajada
sow ruuxdu ruuxdaada
RABI kuma samaynoo
sow ruuxdu ruuxdaada
RABI kuma samaynoo
kuma soohnid laabtayda
kuma soohnid laabtayda

ala maya suuban mudaneey
marna saymo kuma bado
macaan maya suurad quruxeey
saxariir kulama rabo
sow ruuxdu ruuxdayda
RABI kuma samynoo
kuma soohnid laabtayda
sow ruuxdu ruuxdayda
RABI kuma samaynoo
kuma soohnid laabtayda
kuma soohnid laabtayda
kuma soohnid aabtayda
kuma soohnid laabtayda

maya maya suuban mudaneey
marna saymo kuma badao
suurad quruxeey
sow ma tihid midaan
sumar ka dhex soocdee
sabab aayatiin iyo
saldhigaygii maad noqon

Exit mobile version