Xulkii dumarkee xiskayga dagtaay
Xalkii nolosheen qalbiga ku xidhaay
Xafiiska wadnaha yartii xukuntaay

Sidii xuural cayn janada ku xafidan
Xaniyo taan baran xog been ku jirtaay
Adaa xeeriyo wanaag u xushoo
Macaan ka xaniban xumaantaba

Xariir iga mudan xurmiyo sharafeey
Ayaan xaadaneey xaqiiq kuu jantoo
Oo adaa ii xiga intii ii xigtoo
Xabiibii xayaatii kashaydu kuu xalan
Oo adaa ku xasilay xiskiyo wadnahoo
Xabiibii xayaatii kashaydu kuu xalaneey

Adaa xumadii jacayl xaliyoo
Xeel dheeriyo sharaf xilkaa u gutee
RABAAN ku xamdiyay markaan ku xushee

Xishoodiyo edeb xurmaad ku ladhoo
Xaqaani naftayda xiiso gashaay
Adaan i xaqirin xujana galinoo
Macaan ka xaniban xumaantabee

Exit mobile version