hablahan wada xuural caynta
hablahan xasiliya qulubta
hablahan xikmadii abuurta
nolosha xal u raadinaaya
marwoooy xidigaha siraata
hadaad tahay xabad iftiinle
ilays dunidaba ku xeran
xariiriyo midab dhalaaloo
qalbiga xadan toodayoo
xaqiijinta caashaqeena
xaq iyo mawd iyo shil mooye
wax kala inagama xigaane
adigu xiska taa ku hay

hablahan dhibicda xariirta
hablahan xayadii hagoogan
hablahan xaadu ay dhaqaaqdo
markaad hesho gogol xalaala
hadaan gacalooy xabiibi
xulkaa kacay qurux badnaanta
adiga kaa xushay dhexdoodoo
naftaydu haday xurmayso
waxaan xiiseeyo oo dhan
xaqiijinta caashaqeena
xaq iyo mawd iyo shil mooye
wax kala inagama xigaane
adigu xiska taa ku hay

Exit mobile version