kaa doortay dumarkoo kuu hibeeyay noloshee
kalsooni i galiyoo kor u qaad jacaylkeena
oo kolna ha ila siidayn anba kuuma quudhee
kali yaanu igu noqon

kunjeer aduunbaa kashka iigu qoranoo
yaan la igu kaa dirin oo ha noqon wadkayga

kali kuuma roona inuu kugu hela oo
kugu gubo noloshoo ha igu daynin kaligay
kaar iyo xanuunbuu korka ku wataayoo
dadku ku gubtaan

indhihii ku arkee ku calmadaa ayaan badan
koobkii nasiibkana ku guulaystay dunidee
kaaseexan waayoo hurda kala colownee
kaalayoo wax ila qabo naftaydaa ku sugaysee

Exit mobile version