doqon maaha nin liitaa
diric maaha kii ladan
ma aha dahabiyo lacagoo
kalgacaylku waa dookh

dantuna ceeba ma lahee
dadkuunbaa isu nacayee

dumar taan ka caashaqay
duunyay iga raacdee

ma daaya jacayloo
dib ma uga hadhaa
dumariyo jacayl

danbi malaha ruuxuu
ILAAHAY ka daayoo
dawo malaha ruuxuu
wadku soo dul joogsado

Exit mobile version