sayruuq la saanyaday
cirka sahan u joogiyoo
xidigaha siraatahay
ama subax cadceed duhur
caad yari ku saaqmoo
dhulka sare guduutiyo
midabkii suleekhaay

saablayda oofaha
sanbabada dhexdooda
warsaneey i sartaqdoo
sahwi igu abuurtee

kaa seexan waayoo
siday noqon ALLAA OGE
hadba waxaad ku sugantay
soo dhiib waraaqaha
aan warsanee soo dhiib waraaqaha

sida baxarasaafkii
dhirta ugu saraysaay
hablahaad u sidataa
sara joogaagiyo
socodkiyo laafyaha
ILAAHAY sameeyaa
qurux kuu siyaadshee

Exit mobile version