Ma failayn inaad
iga falantidoo
Ma filay inaad
Farta ii qaniintee

Arimahaan ku faray iyo
Foodkii dhaxdeena
Inagoo ka faaloon
oo weli aan falaaqayn
Yaa ku yiri ku faanoo
Fagaaraha ka sheeg

Fakatayoo taladee
Adigaaa furfurfurayoo
Nacabkeena ufidiyoo
Sirtaynii fashilantoo
faro kuma jirtee

Hadaad saas ufududahay
Waad iga fasaxntahee
Faadumoy faraskaagu haku qaado

Inaad qalbi fasiixoo iyo
Wadanahuu la furay iyo
Farxad ku qabataa
faraq kugu sheegtee

Ma filayn inaad
Fidno ii hersoodee
Ma filayn inaad
Feeraha igooysee

Inta hadalku feeraha
Weli uu fadhiyabuu
Faa’ido leeyahay
Mar haduu fakado
Faruuryaha ka soo baxo
Fadow laguma gaaree

Fakatayoo taladee
Adigaaa furfurfurayoo
Nacabkeena ufidiyoo
Sirtaynii fashilantoo
faro kuma jirtee

Hadaad saas ufududahay
Waad iga fasaxntahee
Faadumoy faraskaagu haku qaado

Exit mobile version