sidaa tahay shawaal galayee
bishu shan iyo toban tahay
shaacisay aduunkee
qoraxdee shiin dhalataay
wali shaahid kuma arag
sheekana kumaan maqal
wax shabaha naftaadee
sharad baan dhiiganayaa
hadii sharaf mid kula mda
lagu sheego dunida ee
shamsooy adi daraadaa
anigana ilaa shalay
cishqibaa i shidayee
ma i shaafinaysaa

sidaa tahay shabeel ciideed
ama geenyo shaaximaneey
shucuurtiyo eegmada
rag ninkay la shawrtaa
shaarubyaha salaaxyoo
adaa shicir amaankaaaye
shaxda lagu cayaaraa
sida faras shidabanoo
laga furay shakaalkiiyoo
shakadkii ku xidhanyahay
qofkaad sheed ka qabataa
shanshadaba ma rogayee
adaa shiiqinayoo
kalgacayl ku shubayee
xidigtii shahuuraay
adaa shiday aduunkoo
dumar baad shan dhertee
sharad baan dhiganayaa
hadii sharaf mid kula mida
lagi sheego dunida ee
shiishkay igu deeqdee
shafeecadii naftaydaya
waan kugu shukrianaya a
shamsooy adi daraada
anigana ilaa shalay
cishqibaa i shidaye
ma i shaafinaysaa

Exit mobile version