VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Adkeeso - Lyrics

Jacaylka adaa ilduufay Abaalkaad dhigatay weeye Ayaandaridaada eerso Ah iyo wayda iska daayoo Ha ii imaan Kuma arkaayee ha i sheegan Kuma aqaan Ilawsho dhawidaa abaayooy Afkaad shalay igu eryaysay Miyaanu kugu oolin eega Markaan ku lahaa udgooneey Markaan urinaayeey raadka Waadigii iga sii ordaayee Iimaanso waxaad is yeeshay Adkayso adiguna markaaga Aduunyadu igama raynin Nasiibkuna igama leexan Eedana anigaa lahaayoo Isuma kay sheegin taladu dhacdayoo Waa amar illaahay iseegtayee Ha ila eegan Abaarsadayoo aawadayoo Ilmiyo oohin u dhamaaday Aqoondaridayda eeday Imikaan xumihii u aayay Imikaan aragtidaa u baahday Intaan mawd iga adeegin Aan uunsado uumigaaga Sidii idiinka isku kay ug Naftii ashahaado diida Markii ajasheed dhamaato Astaaqfurulaysigeeda Illaah baa ka yeeli maaye Agtayda hadaad iskeentay Adlee og tayda maaha Anoo jirabaad i aastay Aroos baad iga dul keentay Asaagay bay igu oriyeen Anigoo kugu indho kuusha Anoo saxar kaa ilaashaa imisaad farxada iga jiidhay Ergadu imisay is dhaaftay Imisaad adiguba is waashay Anaa shalay kaa ordaayay Maantana waan ku ogolaaday Hadaan axdigii ka booday Dhankayga ka oofin waayay Hadana kaa ooli waayay Miyaan dumar ugu horeeyay Abaarsaday aawadaayoo Ilmiyo oohin u dhamaaday Aqoondaridayda eeday Imikaan xumihii u aayay Imikaan aragtidaa u baahday Intaan mawd iga adeegin Aan uunsado uumigaaga Sidii idiinka isku kay ug
Queue is empty
-- / --