VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Adkeeso mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Cadeey cali ahmed
Adkeeso

Jacaylka adaa ilduufay
Abaalkaad dhigatay weeye
Ayaandaridaada eerso
Ah iyo wayda iska daayoo
Ha ii imaan
Kuma arkaayee ha i sheegan
Kuma aqaan
Ilawsho dhawidaa abaayooy
Afkaad shalay igu eryaysay
Miyaanu kugu oolin eega
Markaan ku lahaa udgooneey
Markaan urinaayeey raadka
Waadigii iga sii ordaayee
Iimaanso waxaad is yeeshay
Adkayso adiguna markaaga

Aduunyadu igama raynin
Nasiibkuna igama leexan
Eedana anigaa lahaayoo
Isuma kay sheegin taladu dhacdayoo
Waa amar illaahay iseegtayee
Ha ila eegan
Abaarsadayoo aawadayoo
Ilmiyo oohin u dhamaaday
Aqoondaridayda eeday
Imikaan xumihii u aayay
Imikaan aragtidaa u baahday
Intaan mawd iga adeegin
Aan uunsado uumigaaga
Sidii idiinka isku kay ug

Naftii ashahaado diida
Markii ajasheed dhamaato
Astaaqfurulaysigeeda
Illaah baa ka yeeli maaye
Agtayda hadaad iskeentay
Adlee og tayda maaha
Anoo jirabaad i aastay
Aroos baad iga dul keentay
Asaagay bay igu oriyeen
Anigoo kugu indho kuusha
Anoo saxar kaa ilaashaa imisaad farxada iga jiidhay
Ergadu imisay is dhaaftay
Imisaad adiguba is waashay

Anaa shalay kaa ordaayay
Maantana waan ku ogolaaday
Hadaan axdigii ka booday
Dhankayga ka oofin waayay
Hadana kaa ooli waayay
Miyaan dumar ugu horeeyay
Abaarsaday aawadaayoo
Ilmiyo oohin u dhamaaday
Aqoondaridayda eeday
Imikaan xumihii u aayay
Imikaan aragtidaa u baahday
Intaan mawd iga adeegin
Aan uunsado uumigaaga
Sidii idiinka isku kay ug

codkii Cadeey cali ahmed, Maxamed cabdoo saalim