aduunyadu igama raynin
nasiibkuna igama eexan
rajana anigaa lagaayoo

isuma kay sheegin taladu dhacdayo
waa amar ILAAHAY seegtayee ha ila eegan

abaarsade aawadaayoo
ilmiyo oohinuun dhamaaday
aqoon daridayda eeday

imikaan xumihii u aayay
imikaan aragtida u baahday
intaan mawd iga adeegin
hayga aarsan i daayoo
u noqon maayee i saamaxe

ana shalay kaa ordaayay
maantana waan ku ogolaaday
hadaan axdigii ka booday

dhankayga kaa ooli waayay
miyaan dumar ugu horeeyay

Exit mobile version