VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Subaxii iyo laylakii Ft Qoomaal - Lyrics

Jacayl baa i saaqoo Sadrigiyo laabtoo Dhex saqaafay beerkee Subax Iyo alaylkii Waan kuu siloonahay Sina kuma gam'aayoo Saafidii haweenkaay Calafkaan sugaynay Wuu inoo sugnaadee Samo igula ciid ruwaydaay Raga kaan ka soocdoow Calafkaan sugaynay wuu inoo sugnaadee Maxamadoow samo igula ciid Aniguba sabanadan Sahal ishqi isaaqyoo Dadka iagaba soocyoo Gabaahiir I seexshaa Nafta salalinaayee Anba kula si baan ahay Raga kaan ka soocdow Calafkaan sugaynay wuu inoo sugnaadee Maxamadoow samo igula ciid Saafidii haweenkaay calafkaan sugaynay wuu inoo sugnaadee Samo igula ciid ruwaydaay Seer ma waydo roob baan Surad wacan wanagsani Surin tahay dareenada Saban doogle iyo nabad Caanuhu ay susumayaan Ku nagaanay samihii Safidii haweenkaay calafkaan sugaynay Wuu inoo sugnaadee Samo igula ciid ruwaydaay Raga kaan ka soocdoow Calafkaan sugaynay wuu inoo sugnaadee Maxamadoow Samo igula ciid Sareediyo Dhul nabadsadan Ubad saalaxoo anfaca Farxad aan sal guurayn Ehelkoo kusoo hiran Saatirkaan ka barinee Soo soco dhe Aamiin Raga kaan ka soocdoow Calafkaan sugaynay wuu inoo sugnaadee Maxamadoow Samo igula ciid Saafidii haweenkaay calafkaan sugaynay wuu inoo sugnaadee Samo igula ciid ruwaydaay
Queue is empty
-- / --